Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii maanta ee Afisyooni?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda  ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka.

Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrigeliyey Xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka in ay si daah furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey.

DHAMMAAD

164144901_3873497609401355_6615081734916174696_o 163892263_3873497532734696_771116610189392627_o 164528447_3873497529401363_8182549987057882488_o164243133_3873497779401338_2010756466330463442_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this