Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka wada-tashiga Afisyooni oo galay maalintii labaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxdii kale ee shalay tegay Teendhada Afisyooni, ayaa maalintii 2aad kulan ku leh halkaasi.

Kulankan oo aan saxaafada lagu casuumin ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan madaxda dowlada federalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in warbixin looga dhagaysan doono kulanka maanta taliyaha ciidanka Booliska Gen Xijaar ,uuna ku soo bandhigo shaxda amniga doorashooyinka.

Sidoo kale kulankan oo qorshuhu ahaa in dhammaan madax goboleedyada ka soo qeybgalaan ayaa waxaa qaadacay maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Arrintani ayaa uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee dhacaya sanadkan 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this