Sign in to follow this  
Deeq A.

Salaad Roob Doon Ah Oo Maanta Jigjiga Laga Tukaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Salaad Roob doon ah ayaa maanta laga tukaday magaalada Jigjiga, iyadoo shacab aad u badan isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee Jigjiga.

Maamulka u sarreeya Golaha Arrimaha Islaamka ee DDS, Culimada degaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga ayaa kamid ahaa dadkii isugu soo baxay si ay u tukadaan salaaddan Ilaahay lagaga baryayo si uu abaarta uga dulqaado dadka iyo duunyada, isla markaana Ilaahay u keeno roob khayr qaba.

Salaaddan roob doonta ayay dadku tukanayaan iyadoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dhammaan degaanka laga soomanaa, maantana ay dadku banaankan isugu soo baxeen si Alle u baryaan, abaartana ugu badalo roob lagu qabowsado.

Guud ahaan degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka jirtay abaaro iyo roob yari, iyadoo meelo aad u yar maalmihii u dambaysay laga soo sheegayay roob aan sidaa u badnayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this