Sign in to follow this  
Deeq A.

Aaden Aw-Xirsi “ Cabdirashiid Janan meelna uma dhaqaaqi karo hal tilaabo haddii uusan ka helin ogolaansho toos ah Sirdoonka Milatariga Kenya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Aaden Aw-Xirsi oo horay mar usoo noqdey Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ee Jubbaland hadana ah mid kamida Raga Madaxweyne Farmaajo u Xil saartay Gobolka Gedo ayaa beeniyey in Cabdirashiid Janan uu Wadahadal kula jiro Dowlada Federaalka, isagoo Arinkaas ku tilmaamey mid aan Macquul ahayn.

Aaden Awxirsi wuxuu sheegay in Dad aan Caqli lahayn ay warkaas wareejinayaan isla markaasna uusan Janan la heshiin karin DF isagoon ogolaansho ka heysan Kenya.

6A026F72-3B70-4B1C-9AC8-85A332F505C6.jpe

Wasiir hore Aaden Aw-Xirsi Qoraal uusoo dhigay Twitterka ayuu ku yiri sidaan hoose

  • Kuwa caqliga xun ee ku qanacsan in Cabdirashiid Janan uu isu dhiibayo Dowlada Fedederaslka, Cabdirashiid Janan meelna uma dhaqaaqi karo hal tilaabo haddii uusan ka helin ogolaansho toos ah Sirdoonka Milatariga Kenya., Ilaa Farmaajo & Kenyatta ay mar kale saaxiibo , wax wanaagsan kama dhici doonaan Saddex-xagalka.

waakan Qoraalka oo uu English ku qoray

14CC67ED-B281-47A4-AA4F-80111E9EC231-414

Hadalkaan kasoo yeeray Aaden Aw-Xirsi ayaa u muuqda laba Arimood midkood

1- Sida Aaden sheegayo iney jirto oo uu warkaan been yahay

2- In uu isagu (Aaden Awxirsi) ka xunyahay in Janan iyo Farmaajo heshiiyaan, oo uu ka cabsi qabo in Janan uga saameyn bato Gobolka, Aaden Awxirsi wuxuu hada kamid yahay raga Farmaajo u xilsaartay Arimaha ka socda Gobolka laakiin hadii Cabdirashiid Janan yimaado oo isasoo dhiibo, Aaden awxirsi daaqada ayuu ka baxayaa, waana tan walwalka ku heysa.

Xalay oo Isniin ahayd ayaa waxaa suuqyada Baraha Bulshada waxaa soo galay in Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan loo kala dabqaaday oo ay waannwaan u socoto, laakiin labada dhinac midna ma cadeyn.

Puntlandi.com Kismaayo

The post Aaden Aw-Xirsi “ Cabdirashiid Janan meelna uma dhaqaaqi karo hal tilaabo haddii uusan ka helin ogolaansho toos ah Sirdoonka Milatariga Kenya” appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this