Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Amniga oo Boosaaso lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Shirka-Boosaaso.jpg?resize=1000%2C667&ss

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Gobalka Bari.

Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee ciidamada Booliska oo ka howlgala Magaalada Bosaaso iyadoo diirada lagu saaray qodobo ay kamid ahaayeen Dardargalinta Amaanka Guud ee Gobalka Bari.

Taliye Xuseen wuxu ugu horayn Taliyaasha Saldhigyada Qeybohooda kala duwan ka dhagaytsay howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameyeen Ciidamada Booliska iyo dardar galinta kuwa dhiman iyadoo sidoo kale lasoo jeediyay in la dhamaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howlgalka.

Dhinaca kale Taliye Xuseen ayaa u mahadceliyay dhamaan sarakiisha kala duwan ee Booliska isagoona ugu baaqay in ay dardar lixaadleh ay galiyaan amaanka isamarkaana bulshada ay ugu adeegaan si wanagsan iyagoo racaya timaamo uu siiyay madama bulshada ay shaqada ay u hayaan ay tahay mid waajib ah.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali ayaa sheegay in ujeedka loo qabtay kulankaan muhiim ka ah ay tahay xaqiijinta amniga Gobalka Bari iyo Kala warqaadashada Lamaha Booliska.

Taliyaha Qeybta Ayaa Bulshada Magaalada Bosaaso ka codsaday in ay gacan ka siyaan ciidamada xaqiijinta amaanka si looga hortago kuwa sameeya dhibaatootinka.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Amniga oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this