Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamiga xiriiriya magaalooyinka Puntland oo qarka u saaran in uu gebi ahaanba go’o

Recommended Posts

Deeq A.   
Laamiga.jpg?resize=660%2C440&ssl=1

Laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka Puntland, ayaa qarka u saaran in uu ka go’o nawaaxiga buundada Midigar, oo uu dhexaysa caasimadda Garoowe iyo tuulada Sinujiif ee Gobolka Nugaal.

Laamiga ayaa ka burbursan aga’gaarka buundada Midigar, waxaana go’an hal seed, kadib markii ay waxyeello daran gaarsiiyeen daadad sannadihii la soo dhaafay ku fatahay dooxadaas.

Gaadiidka kala duwan ee laamiga isticmaala ayaa cabasho xooggan ka muujinaya burburka wadada oo laga cabsi qabo in uu gebi ahaanba go’do.

Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso ayaa meel badan ka burbursan, waxase haatan u daran dooxada Midigar, halkaas oo wadada seed dhan maqanyahay.

Sidoo kale, shilalka gaadiidka ayaa ku soo batay laamiga dheer, gaar ahaanna inta u dhexaysa Garoowe iyo Qardho.

PUNTLAND POST

The post Laamiga xiriiriya magaalooyinka Puntland oo qarka u saaran in uu gebi ahaanba go’o appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this