Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga hadlayo Abaaraha Gobolka Gedo oo Qaramada Midoobay ay ku qabteen Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaaden ayaa ka qayb galay kulan balaaran oo maanta ka dhacay Hoolka shirarka Madaxtooyada Jubbaland, Kulankasoo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka saxda Sadex Hay’adood oo Qaramada Midoobay ah oo fadhigoodu yahay Nairobi.

Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Andelmouda ayaa Wafdiga hogaaminayay, Wafdiga waxaa kamid ahaa WHO Hay’ada Caafimaadka Aduunka, WFP Hay’ada Cunada ee QM, UN OCHA Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan ka jawaabida iyo Qiimaynta Gargaarka degdega ah , Waxaa kaloo kamid ah Wafdiga UNHC Hay’ada Qaxootiga Aduunka, waxaa Wafdiga weheliya Hay’ado gaara NGO fadhigoodu yahay Nairobi.

Ujeedka safarka waxaa ugu weynaa laba qaybood oo horay ay Jubbaland uga qaylo geysay ayna dalbadeen jawaab degdeg ah, labadaas arimood oo kala ah..

  • Cudurka Covid19 qaabka Jubbaland looga caawinayo, talaal iyo qalabkamlagula tacaalo
  • Abaaraha Gobolka Gedo oo Jubbaland ay dalbatay in si deg deg ah looga jawaabo

Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo khudbad ka jeediyay Shirka ayaa hoosta ka xariiqay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Gobolka Gedo ka abuurtay Colaad Siyaasadeed oo saamaysay nolosha Bulshada, Wuxuu raaciyey in hada Gobolka ay ka jirto Abaar baaxad weyn oo jawaab bini’aadanimo u baahan.

Hay’adaha wuxuu kula dardaarmay in lakala saaro Dagaal siyaasadeedka ka jira Dalka iyo ugatgaarida Shacabka iyo in lagubiyo kaalmada Gobolka loogu talaalo inay gaarto Dadka u baahan.

Wuxuu Madaxweyne Xigeenku sheegay in Ciidamada ku sugan Gobolka ay kala solcayaan Shacabka tasoo keentay in Dad baahan aysan helin adeegyo Caafimaad iyo cuno.

Wafdiga ayaa balan qaadey iney sushis ula soconayaan Xaalada Gobolka Gedo.

Sawirada hoos ka daawo

B6B4D33C-7CAB-4C12-A9A6-4C02B3FCB86A.jpe 97BDCF56-CFE6-48F1-86BD-882642430698.jpe FF3E8962-804B-4874-83E3-6B579E7FBE3D.jpe D3F59E0C-9E59-44CA-B050-7A06D2286B37.jpe EB129BE4-CE14-48F0-A14F-F3BE0D0E90B5.jpe 551496BB-499F-4F6C-BEDF-6681DE977367.jpe
76C299C9-A35B-435C-A2B8-6849D37214EF.jpe 9B9E83A0-1234-4F33-930E-614AB090F791.jpe DB03B3EB-EA46-46EB-A72D-9074B474E476.jpe

The post Kulan looga hadlayo Abaaraha Gobolka Gedo oo Qaramada Midoobay ay ku qabteen Kismaayo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this