Deeq A. Posted March 22, 2021 Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland soo gaaray diyaarad sidda Talaalka xanuunka Covid-19 . Talaalkan oo laga qaaday magaalada Muqdisho laga qaaday ayaa la filaya in la gaarsiiyo dadka ku nool deeganada Maamulka Jubbaland . Astrazeneca ayaa todobaad ka hor ka bilaawday magaalada Muqdisho , iyadoo Jubbaland ay noqoneyso Maamulki labaad oo uu gaaro talaalka, Horay ayuuna waxa uu u gaaray talaalka maamulka Puntland . Deeganada Jubbaland ayaa waxa ay ka mid yihiin deeganada Muddooyinkii u dambeyay uu ku soo laba kacleynayay xanuunka Corona Virus . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites