Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo shir deg deg ah isu’gu yeeray Golaha Badbaado Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   
Badbaado.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Warar lagu kalsoonyahay oo Puntland Post ka heshay Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Deni uu shir deg deg ah isu’gu yeeray Golaha Badbaado Qaran oo dhowaan lagu as’aasay Muqdisho.

Shirkan oo looga tashanayo marxaladdda kala-guurka ah iyo muranka Arrimaha Doorashooyinka, waxaa ka qayb-galaya dhammaan dhinacyada ku midaysan Golaha Badbaado Qaran sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Shirka oo la filayo in uu goordhow ka bilowdo gudaha Xarunta Xalane, ayaa ku soo beegmay xilli uu saacad ka hor xarunta AFISYOONI ee Muqdisho ka furmay Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada taageersan oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhinacyada ayaan ku heshiin, Shirka guud ee ku saabsan xallinta muranka Arrimaha Doorashooyinka, kaas oo la qorsheeyay in uu maanta ka furmo Xarunta Afisyooni ee Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo shir deg deg ah isu’gu yeeray Golaha Badbaado Qaran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this