Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Muqdisho” Wax Shir ah oo dhacayo ma jiro 22/3,2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaalada Magaalada Muqdisho oo ay caawa soo caga dhigeen Ciidamo Maraykan ah waxaa lahadl hayaa sababta Ciidamadaan u yimaadeen Muqdisho.

Waxaa muuqata in loo baqay Amaanka Guud ahaan ee Xeyndaabka Xalane laakiin lama oga xogta ay Maraykanku heleen oo keentay inay Ciidamo soo dhoobay Duleedka Muqdisho.

Dhanka kale Ma jiro wax Shirka oo Muqdisho ka furmaya 22 bishaan, Shirkii ay waday Beesha Caalamka wali sidii ayuu u taagan yahay, walina lama cayimin wakhtiga uu dhacayo, kaliya waxaa socda qabanqaabadiisa,

Qolada Villa Soomaaliya wali waa diidan yihiin kasoo qaybgalka Shirka waxayna taagan yihiin inay iyagu qabanayaan Shirka, taasna waa laga diidey, Xitaa inay Amaanka waxka sugaan oo ay dalbadeen ayaa laga diidey.

Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxaa laga yabaa in Shirku uu bilowdo 25/3/2021 oo khamiis ah, waana Shirkii ay ku baaqeen Beesha Caalamku.

Shirkii uu Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay in la isigu yimaado 22 maarso,Kaas walli lama hayo meel lagu badalay ama lagu baajiyay. Lamana oga goobta uu ka dhacayo iyo Cida kasoo qaybgalaysa, waxaa la xaqiijiyay oo kaliya in Teendhada loo diyaariyey in la isugu yimaado uusan wax Shirka ka dhacayn Isniinta 22/3/2021.

Puntlandi.com Muqdisho

2DB7D29D-2992-42A2-8F95-B9FA781D864A-772

The post Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Muqdisho” Wax Shir ah oo dhacayo ma jiro 22/3,2021 appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this