Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Maraykanka oo Ciidan keenay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ka dib Dagaal laga cabsi qabo in uu ka dhaco Afisyooni

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho ayaa lagusoo xoojiyay Ciidamo Maraykan ah kuwasoo degay meel aan ka fogayn goobta shirku ka dhacayo.

Ciidamada Ay Villa Soomaaliya keeneen meel aan kafogayn goobta Shirku ka dhacayo ayaa Amar lagu siiyay inay ka guuraan, kuwasoo caawa makhribkii ka baxay goobahay ku jireen.

Dhamaan Qaybaha Soomaalida waxaa lagu amray inaysan Ciidan la imaan karin agagaarka goobta Shirku ka dhacayo, waxaa kaligood Amaankooda lawareegaya Amisom inta Shirku socdo.

Madaxweyne Farmaajo waxaa la amray inuu Ciidamada la socda ay uga haraan Afka hore ee lagasoo galo Afisyooni meesha looyaqaan Marina Gate, halka Madaxweyne Deni Ciidamadiisu ay ku ekaanayaan Meelaha ay hada joogaan oo ah goobta uu degan yahay Madaxweynuhu.

Ciidamo dheeraada oo Amisom ah ayaa caawa la geeyay Afisyooni, Halka Duleedka Garoonka Diyaaradaha la dejeyay Ciidamo Maraykan ah oo kasoo duulay Garoonka Diyaaradaha Balidooglay oo Xarun u ah Maraykanka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay khadka teleefoonka kuwada hadleen Ergayga Gaarka ah ayaa Ergayga Gaarka ah uga mahadceliyey Dadaalka uu wado oo uu ku doonayo in shirku uu dhaco halka Villa Soomaaliya ay qaadayaan talaabo walbo oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Shirka.

Puntlandi.com Muqdisho

396D445D-35ED-4E43-B572-D1BC4015E43A-667

The post Breaking News— Maraykanka oo Ciidan keenay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ka dib Dagaal laga cabsi qabo in uu ka dhaco Afisyooni appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this