Sign in to follow this  
Deeq A.

Salaam Somali bank oo maalgelin siiyay Ganacsatada yaryar ee Xamarweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarunta Salaam Somali Bank ee degmada Xamarweyne, ayaa maanta laga bixiyay barnaamij Qardu Xasan (free micro finance) oo ah lacago lagu siinayay ganacsatada yar yare si ay u kobciyaan ganacsigooda.

Munaasabad ka dhacday xarunta bangiga ayaa lagu gudoonsiiyay ganacsatada lacag maalgelin ah oo qeyb ka ah wajiga labaad ee barnaamijka Qardu Xasan 2021, oo aan dadkii la siiyay faa’ido laga rabin.

Dadkii ka faa’iidaystay barnaamijka ayaa uga mahadceliyay bangiga taageeridda wax ku oolka ah, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan oo wax ka bedelaysa ganacsigooda.

Waxay sidoo kale sheegeen iney aad ugu farxeen fursadan maalgelineed ee uu bangiga siiyey.

Qardu Xasan waa barnaamij dhowrkii bilood mar uu bangiga bixiyo, waana mid loogu talagalay in laga bixiyo dhamaan xarumaha bangiga ee gobolada iyo magaalooyinka dalka.

Ujeedku waa in lagu dhiira geliyo ganacsatada soo koreysa sidoo kalana ay ka qeyb qaadato shaqa abuurka.

Horey ayuu bangiga sidan oo kale ugu bixiyey Xaruumo dhowr ah, waxaana Maamulka Bangiga uu sheegay inay sii wadi doonaan illaa laga gaarsiiyo dhamaan xarumaha dalka.

Ujeedada ugu muhiimsan uu banigiga u bixinaayo lacagahan ayaa ah in kor loo qaado wax soo saarka ganacsatada soo koreys, laguna garab istaago kobcinta ganacsigooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this