Deeq A. Posted March 21, 2021 Xubnabaha beesha caalamka oo si wadajir u soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxa ay uga hadleen shirka wada-tashiga ee lagu wado inuu beri ka dhaco Teendhada Afisyooni. Qoraalkan ayaa waxaa baaq loogu diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyada oo laga dalbaday inay ka dhabeeyaan dadaallada socda. Halkan hoose ka aqriso: Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac. Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran. Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkan ayaa waxa soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites