Sign in to follow this  
Deeq A.

Yamamoto: Cidna Muqdisho kama bixi karto inta heshiis laga gaarayo doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa ku amray madaxda dowlad goboleedyada dalka in aysan ka bixi Karin Muqdisho, inta laga heshiinayo arrimaha doorashooyinka.

Qoraal kooban safiirku soo dhigay barta Twitter-ka, ayuu ku xoojiyay go’aankii Beesha Caalamka ee arrimaha doorashooyinka, waxaana uu xusay in madaxdu aysan haysan ikhtiyaar aan ahayn in doorashada laga heshiiyo oo keliya.

Warar qaar ayaa sheegayay in mid ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xiriirka la leh Villa Somalia uu doonayay inuu dib ugu laabto deegaankiisa, waxaana farriinta Safiirka Mareykanka digniin u aheyd in Muqdisho laga tago iyadoo aan la shirin.

Shirka arrimaha doorashada ayaa sida qorshaysan la filayaa in uu maalinta berry ah ka furmo xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ilaalo ka yihiin ciidamada AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Yamamoto: Cidna Muqdisho kama bixi karto inta heshiis laga gaarayo doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this