Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Badbaado Qaran oo si weyn looga taageeray Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
2-6.jpg?resize=720%2C462&ssl=1

Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay Golaha Badbaadinta Qaran ee maalmo ka hor Muqdisho looga dhawaaqay, ayaa maanta oo Axad ah lagu qabtay Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Gobolka Nugaal waxa ka qayb-galay Maamulka Gobolka, kan degmada Garoowe, Saraakiisha kala duwan ee Laamaha Amniga Gobolka oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta, Odayaasha Dhaqanka, ganacsatada, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada, iyo marti sharaf kale.

Dhammaan ka qayb-galayaashii Kulanka ka hadlay , waxay si weyn u soo dhoweeyay Golaha Badbaadinta Qaran ee Muqdisho lagu as’aasay, kaas oo ujeedkiisu yahay in dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay in uu Doorashada wakhtigeeda ku qabto.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed jabuuti iyo duqa Caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo Munaasabadda ka hadlay ayaa dhankooda bogaadiyay Golaha Badbaado Qaran iyo dadaalka Madaxweyne Deni ee ku wajahan in doorasho nabdoon oo heshiis lagu yahay dalka la  gaarsiiyo.

PUNTLAND POST

The post Golaha Badbaado Qaran oo si weyn looga taageeray Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this