Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo Duqeymo Ka Fuliyay Gudaha Dalka Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dimishiq)-Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay duqeymo ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya.

Duqeymaha ayaa lala bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kurdiyiinta ee lagu magacaabo xoogagga Dimuqraadiyada Suuriya.

Hay’adda xuquuda aadanaha ee la socodka xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in weerarkan diyaaradaha uu ka dhacay (Saida) oo ka tirsan deegaanka Ain Issa.

Waa weerarkii ugu horreeyay oo muddo 18 bilood ah ay fuliyaan millatariga Turkiga.

Ma jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxay weerarkani iyo in uu khasaaro ka dhashay.

Weerarka ayaa ku soo beegmay ka dib isku dhacyo is xig-xigay oo u dhaxeeyay xoogagga dimuqraadiyada Suuriya iyo maleeshiyaad uu Turkiga taageero.

Bishii December, Ruushka iyo dowladda Suuriya ayaa dhexdhexaadin iyo hehiis dhex dhigay labada dhinac.

Xukuumadda Ankara ayaa mar waliba isha ku haysa dhaqdhaqaaqa xoogagga Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha dalka Suuriya.

Sannadii 2019 ayay ahayd markii ciidammada Turkiga ay ka tallaabeen xudduuda Suuriya iyaga oo gudaha dalkaasi kula dagaalamayay xoogagga Kurdiyiinta.

Kurdiyiinta ka dagaalama Suuriya ayaa waxaa hore gacan u siin jiray Mareykanka.

Balse markii ay ciidammada Turkiga howlgalada ka bilaabeen waqooyi bari Suuriya ayaa waxaa uu Mareykanka bishii October 2019 kala baxay Suuriya ciidammadii ka joogay.

Turkiga ayaa xoogagga Kurdiyiinta u arka koox argagixiso oo halis ku ah ammaanka Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this