Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda UK Oo Soo Saartay War Farxad U Leh Dadka Magangelyo Doonka Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Boqortooyada UK ayaa qorsheyneyso in marka si buuxda uu u dhaqan gallo qorshaha Brexit ee Ingiriiska kaga baxay Midowga Yurub inuu wax badan ka badalo sharciyada dadka magangelyo doonka ah.

Qorsheyaasha u degsan UK ayaa kow ka ah in dadka magangelyo doonka ah ayna soo gelin dalkeeda inta codsiyada magangelyo doonka ah go’aan laga gaadhayo, iyo inta illaa iyo wax ka badal lagu sameynaayo xeerarka socdaalka qaxootiga, kadib markii UK ay si sharciga waafaqsan kaga baxday midowga Yurub.

Sharciyada ay qorsheyneyso UK inay soo rogto ayaa waxaa ka mid ah in dadka ka yimaada dalalka UK u aqoonsan tahay kuwo xasiloon oo nabadi ka jirto dadka ka yimaada in ayna heli doonin magangelyo noocey doonta ha ahaatee.

Arrinta kale ee magangelyo doonka hore isaga soo dhiibay dalalka Yurub uu ku farxi doono ayaa ah in marka si buuxda u dhaqan geliyo Ingiriiska heshiiska ka bixitaanka Yurub kama mid ahaan doono sharcigii Dublin ee Midowga Yurub ee dhigayay in dadka magangelyo doonka in lagu celiyo wadankii ay markii hore iska diiwaan geliyeen ama kasoo galeen inta codsigooda go’aan laga gaadhayo.

Waxayna UK ula dhaqmi doontaa dadka farahooda dhigay dalalka Yurub ee mar kale iska soo dhiibo UK in ayna ku celin doonin Yurub waa marka uu sharcigaan cusub dhaqan galo dhawaan.

UK ayaa hore u diidaneyd qodobka sharcigaan hase ahaatee markii danbe aqbashay, inkastoo sharciyadaan ayna weli si rasmi ah u dhaqan gelin.

Dad badan oo wadamada Yurub ku jahwareeray oo dalalkii ay iska dhiibeen sharciyo ka waayay ayey fursad u tahay, inkastoo ay adkaan doonto sida lagu soo galo boqortooyada UK.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this