Deeq A. Posted March 21, 2021 Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib Safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa . Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa muddooyinkii la soo dhafay jiray dalka Turkiga, isago saakay dalka dib ugu soo noqday. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shirka arrimaha doorashooyinka oo lagu wado beri in uu ka furmo xerada Tababarka ciidamada Cirka ee Afisiyoni . Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dhamaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka oo la filayo in uu berri shirka uga furmo Caasimadda Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites