Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo goor dhow dil ka geystay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow askari ka tirsanaa kuwa qaada Canshuuraha ay ku dileen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay qeybta qudaarta lagu iibiyo ee Suuq Boocle oo ku yaalla degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey askariga uu waday howl Canshuur uruurin ah, waxaana isaga baxsaday kooxdii ka dambeysay falkaasi.

Sidoo kale waxaa goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka askariga kasoo qaaday halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqidisho ka dhacayey falal ammaan dari oo oo isugu jiro dilal qorsheysan & qaraxyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this