Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey iska hor imaad ka dhacay Gaalkacyo + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay iska hor imaad geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka maamulka Puntland iyo koox ka ganacsaneysay waxyaabaha maanka-dooriya.

Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadka labada dhinac ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa afar ruux oo kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lagu dagaalamay la wareegay ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysay, dhac habeenkii ah & weeraro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this