Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Lafta Gareen oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqisho, kadib safar uu maalmahaan ku joogay wadanka Turkiga.

Lafta Gareen & wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda, qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qeyb ka noqon doono dadaallada & kulamada siyaasadeed ee ka socda gudaha caasimada, loogana arrinsanayo xaaladda dalka.

Si kastaba shirka beri ka furmayo Teendhada Afisyooni ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo kala guur ah, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021-ka.

163475081_776786909624615_33824749706025 162526425_776786586291314_69517369988816 162991875_776786656291307_20322762844244 163226854_776786692957970_74825615898799 163366800_776786619624644_72067125387481

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this