Sign in to follow this  
Deeq A.

Bisha Saddexaad Ee Sannadka 2021 Oo Gabo-gabo Ah & Heshiisyadii Somaliland Iyo Kenya Oo Aan Weli Wax Muuqdaa Ka Hirgelin

Recommended Posts

Deeq A.   

Home Warar
Warar
Bisha Saddexaad Ee Sannadka 2021 Oo Gabo-gabo Ah & Heshiisyadii Somaliland Iyo Kenya Oo Aan Weli Wax Muuqdaa Ka Hirgelin
By Samiir- March 20, 20210126

Hargeysa (Geeska) – Badhtamihii bishii December 2020, waxa Dawladaha Somaliland iyo Kenya ay Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis labada dhinacba Muhiim u ahaa.

Heshiiskan oo dhacay, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Magaalada Nairobi ku tagay booqasho rasmiya, ayaa waxyaabaha lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Dawladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo Meeqaamka Xafiiskeeda Magaalada Nairobi.

Waxyaabaha kale ee lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

Waxa kale oo ka mid ahaa heshiiskaasi in Dal ku Galka Kenya la siiyo Madaxda Somaliland marka ay gaadhaan Kenya, iyagoo adeegsanaya Baasaaboorka Somaliland.

10 Maalmood baa ka hadhsan dhammaadka Bisha March, 2021 oo qorshuhu ahaa in la fuliyo heshiisyadaasi, laakiin ma muuqdaan Tallaabooyin loo qaaday fulinta heshiisyadaasi oo Wargeyska Geeska Afrika illaa hadda ogyahay.

Somaliland ayaa aad ugu baahan diyaarad la mid ah Ethopian Airlines oo ku xidha Dunida inteeda kale.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this