Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Puntland oo ka tacsiyaysay Libaaxyo ku dhintay dalka Ugaandha

Recommended Posts

Deeq A.   
Haramcad-la-dilay.jpg?resize=720%2C652&sHaramcad lagu dhex dilay Wasaarada

Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Ugaandha uga tacsiyaysay Libaaxyo ku dhintay gudaha dalkaas.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, ayay kaga tacsiyaysay Geerida lixdaas libaax, inkastoo aysan sheegin sababta keentay dhimashadooda.

Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland waxay ummada bariga africa gaar ahaan shacabka Uganda uga tacsiyeynaysaa dhimashada 6 libaax.”

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhimashada Libaaxyadaas ay sii kordhinayso hoos u dhaca kala duwanaanta noolaha  iyo dheelli-tir la’aanta degaanka.

Waxa xusid mudan 27 February 2021, gudaha xarunta wasaaradda Degaanka Puntland si arxan-darro ah loogu dhex dilay Haramcad yar oo halkaas ku noolaa, islamarkaana aysan wasaaraddu weli ka hadlin.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Puntland oo ka tacsiyaysay Libaaxyo ku dhintay dalka Ugaandha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this