Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga Oo Ka Baxday Heshiis Caalami Ah Oo Dhigaya Sinnaanta Ragga Iyo Dumarka.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtida maanta ah dalka Turkiga ka saaray heshiis caalami ah oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo xuquuqda ragga iyo dumurka Turkiga.

Sida lagu qoray wargeyska rasmiga ah ee lagu faafiyo dikreetooyinka dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa heshiiska loogu yeedho Golaha Yurub ka saaray Turkiga. Wargeyska ma bixin faah-faahin ku aadan sababta uu Turkiga uga baxay heshiiskaasi.

Hase yeeshee waxaa go’aankani cambaareeyay xoghayaha guud ee Golaha Midowga Yurub, Marija Pejčinović Burić, oo sheegtay in tallaabadani dhabarjab ku tahay dhowrsita xuquuqda aadanaha ee dumarka Turkiga.

Heshiiskani oo sannadkii 2011-kii lagu saxeexay magaalada Istanbul ayaa dhigaya, in laga hortago, la maxkamadeeyo, lana cidhib-tiro rabshadaha ka dhanka ah dumarka, wuxuu sidoo kale xoojinayay sinnaanta ragga iyo dumarka.

Sida ay qabaan dadka muxaafidka ah ee Turkiga, tan iyo markii ay Midowga Yurub iyo Turkiga kala saxeexdeen heshiiskaasi, waxaa sare u kacay dilka iyo weerarka sannad walbaa loo geysto dumarka Turkiga. Waxay kaloo heshiiskani ku eedeeyeen in uu sare u qaaday soo shaac bixidda ragga isu ekeeysiiya dumarka iyo in uu wiiqayo heykalka iyo qiyamka ay ku dhisan yihiin qoysaska Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this