Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: James Swan oo Siciid Deni ku qanciyay in aan jawaab laga bixin Hadalkii Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
Swan-Deni.jpg?resize=1000%2C760&ssl=1

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ,ayaa ka codsaday in aan wax jawaab ah laga bixin warkii xalay ka soo baxay Villa Somalia.

Mr Swan, oo Deni ku booqday hoyga uu ka deganyahay Muqdisho, ayaa u xaqiijiyay in Shirka Arrimaha Doorashada lagu qaban doono Teendhada Afisyoone, islamarkaana ay si buuxda dammaanad-qaade uga tahay Beesha Caalamka, sidaas darteedna aan loo baahnayn jawaab laga bixiyo Farriinta ka timid Villa Somalia.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in Beesha Caalamku ay shirka ku casuntay Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo keliya, balse aysan jirin Saamileey kale oo Shirka ku marti-qaadan.

Ilo’ xog-ogaal ah oo Puntland post warkan ka heshay, ayaa xaqiijinaya in Kulanka labada mas’uul uu ku dhammaaday is-faham, iyadoo Madaxweyne Deni ka laabtay jawaabtii uu doonayay in laga bixiyo Baaqii Villa Somalia.

Kulanka labada dhinac oo mudda socday ayaan warbaahinta loo soo bandhigin, waxaana isfahamkan uu meesha ka saaray tuhun Madaxweyne Deni ka qabay Arrimaha Shirka.

PUNTLAND POST

The post XOG: James Swan oo Siciid Deni ku qanciyay in aan jawaab laga bixin Hadalkii Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this