Deeq A. Posted March 20, 2021 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay qeybo ka mid gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay deegaanka Shido oo 120 KM dhinaca waqooyi ka xiga degmada Ceerigaabo ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray maleeshiyaadka dagaalamay oo isku haya dilal la xariira aanooyin qabiil oo ka taagan halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in labada dhinac ay kala qabsadeen hub & sidoo kale gaadiid dagaal. Xaaladda ayaa haatan kacsan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo kala dhex-galay maleeshiyaadka beelaha ku diriray gobolka Sanaag. View the full article Share this post Link to post Share on other sites