Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo maalintii labaad oo xiriir ah hub iyo ciidan geysay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta markale ciidan, hub iyo gaadiid dagaal ka dajisay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa ku biiraya ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolkaasi, gaar ahaan kuwii shalay la geeyey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka mid ah yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.

Amarka lagu qaaday ciidamadan ee lagu geeyey gobolka Gedo ayaa waxaa ‘bixiyey’ madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Arrintan ayaa uga sii sareyso xiisadda xoogan ee ka jira gobolka Gedo oo haatan la daala dhacayo abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxda dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya oo ku aadan ciidamadaasi lagu daabulay gobolka Gedo.

Si kastaba Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee dib uga billowday Gedo ayaa farriin culus u dirtay beesha caalamka, waxaana ay shaaca ka qaaday in arrintan ay caqabad ku noqon karto in heshiis laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

ciidan.png Gorgor.png 162051053_224688116071714_47435928048786 162491073_224688089405050_20531605750664 163246456_224688059405053_13775799030050 cc.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this