Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Oo Markii Shanaad Shir Ku Baaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa markale xalay ku baaqay shir ay isugu yimaadan Madaxda dowadda Federaalka iyo Kuwa dowlad Gobaleedyada dalka.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray xalay waxa uu madaxda dowlad gobaleedyada dalka isugu yeeray markii shanaad shir looga arinsanaya xaaladda doorashooyinka dalka .

22-ka Bishan oo ku beegan Isniinta ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Villa Soomaaliya, in uu shirka furmi doono.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in shirkan lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September iyo Heshiiskii Isfahamka ay 15-16 February baydhabo ku gaareen Guddiyada Farsamo.

Shirkan ayaan la ogeyn goobta uu ka dhici doono .

Madaxda dowlad gobaleedyada dalka ayaa dhamaan ku sugan magaalada Muqdisho.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this