Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Deni oo Golaha Badbaado Qaran ku riixaya jawaab ka dhan ah Baaqii Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
badbaaqo.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Xukuumadda Puntland ayaa ku riixaysa Golaha Badbaaqo Qaran, in si dhakhso ah jawaab looga bixiyo farriintii xalay ka timid Madaxweyne Farmaajo, oo mar kale ku baaqay in shir ku saabsan arrimaha doorashada la isu’gu yimaado 22-ka bishan March, 2021.

Sida ay ogaatay Puntland Post, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Madasha ku riixaya in la soo dhoweeyo shirka, balse lagu xiro shuruudo horleh, oo ay ku jiraan in shirka lagu qabto Xarunta Xalane iyo in Beesha Caalamka laga qayb-geliyo, si ay dammaanad-qaad uga noqoto fulinta wixii ka soo baxa.

Wararku waxay sheegayaan, in Madaxweyne Deni ka carooday farriinta ka timid Villa Somalia oo uu ku tilmaamay mid aan laga wada-tashan oo u gaar ah Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana lagu curyaaminayo dadaalka Beesha Caalamka ee ku wajahan qabsoomidda shirka.

Siciid Deni, ayaa doonaya in Puntland iyo Jubaland oo keliya ay war ka soo saaraan farriinta Villa Somalia, haddii aysan jawaab deg deg ah bixin Golaha Badbaaqo Qaran.

Haddii Golaha Badbaaqo Qaran oo maalmo ka hor la as’aasay ay jawaab ka bixiyaan Baaqa Madaxweyne Farmaajo, waxay noqonaysa mid ka miisaan culus wararkii ay hore u soo saari jireen Puntland iyo Jubaland oo keliya.

PUNTLAND POST

The post XOG: Deni oo Golaha Badbaado Qaran ku riixaya jawaab ka dhan ah Baaqii Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this