Deeq A. Posted March 20, 2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah. DHAMMAAAD View the full article Share this post Link to post Share on other sites