Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo shir kale ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo laba maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho heshiis lagu yahay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo shir kale ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this