Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka: Soomaaliya waa in ay si deg deg ah u qabataa doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
20210319_203448.jpg?resize=566%2C296&ssl

Mareykanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay jaahwareerka doorashooyinka Soomaaliya oo abuuri kara hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu yiri “Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka”.

Mareykanku wuxuu ka codsaday madaxda Soomaaliya in ay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay gaaraan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee gaarka ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay” ayaa war-saxaafadeedka la raaciyay.

Mareykanku wuxuu xusay in uu taageersan yahay xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay ku mudaharaadaan si nabad ah oo ay ka horyimaadaan fikirka koox kasta.

Wuxuu tilmaamay Mareykanku in caqabada hada ka jira Soomaaliya ay wiiqayaan wadada loo marayo cafinta deynta oo dhameystiran iyo la dagaalanka argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka: Soomaaliya waa in ay si deg deg ah u qabataa doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this