Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo maanta ciidamo cusub geysay Gedo, xilli laga sugayey gargaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo hor leh oo ku hubeysan Hub culus ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaasi oo ka tirsan Millateriga sida gaarka u tababaran ee Gor-Gor.

Amarka ciidamada looga dejiyay Gedo ayaa waxa uu kasoo baxay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu amray in Gedo laga dejiyo ciidanka iyo hubka, xili ay wajaheyso xaalada Abaaro.

Ciidamadaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta gobolka Gedo, taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo, Bakool Kooke iyo Saraakiil kale oo ka tirsan millateriga Soomaaliya.

Diyaarad gaar ah ayaa ka dejisay ciidamadan oo ku gaashamaan qoryaha culus iyo gaadiidka dagaalka, xili ay deegaanada gobolkaas laga deyrinayay xaalada bini-aadanimo.

Gobolka Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagna abaaro baahsan, waxaana la filayay in xiligan adag ay dowladda federaalka gaarsiiso gar-gaar bini-aadantimo, ayada oo hore u ballan-qaaday dhaqaale aysan ilaa hadda gaarsiin.

Ma cadda sababta keentay in xiligan ay dowladda waqtigeedu dhamaaday ka dejiso hub iyo ciidamo hor leh gobolka Gedo, mana aha markii u horeysay ee dowladda sidaan oo kale ciidamo u dejiso gobolkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this