Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo howl-gal qorsheysan lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay howl-gal qorsheysan ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay 6 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qabteen howl-galka oo laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxay saraakiishu tilmaameen in ciidamada ay gubeen xarumo Al-Shabaab u isticmaali jireen xabsiyo, halkaasna laga sii daayay maxaabiis badan.

Howl-galkan waxaa sidoo kale Al-Shabaab looga furtay hubka fudud oo u badan qoryaha AK47 iyo rasaas sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this