Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-shabaab.jpg?resize=1000%2C486&ssl=1

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab kadib markii ay weerar ku qaadeen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay lix ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab ku qabteen hawlgalka oo laga fuliyay Gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale waxay tilmaameen in ciidamadu gubeen xarumo Al-shabaab u isticmaali jireen xabsiyo halkaasna laga sii daayay maxaabiis badan.

Hawlgalka waxa sidoo kale Al-shabaab looga furtay hubka fudud oo u badan qoryaha AK47 iyo rasaas sida laga soo xigtay saraakiisha Ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this