Sign in to follow this  
Deeq A.

Dayax gacmeedkii dunida ugu awoodda badnaa oo tijaabadiisa lagu guuleystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dayax gacmeedkii dunida ugu awoodda badnaa oo tijaabadiisa lagu guuleystay

Matoorka dayaxgacmeedka ee la tijaabiyey

NASA ayaa si buuxda ugu guuleysatay tijaabada matoorka dayax gacmeed dunida ugu awoodda badan oo la sameeyey, waxaana tijaabada lagu sameeyey xaruunta dayax gacmeedka hawada sare looga diro ee NASA.

Matoorka ayaa daarnaa ama shidnaa muddo 8 daqiiqo ah taasoo u dhiganta qayaasta dayax gacmeedka uu ku tagi karo masaafada u dhaxeyso dhulka iyo hawada sare.

Tijaabadan ayaa noqoneysa tii labaad oo la sameeyey tani iyo bishi Jannaayo marki la joojiyey tijaaba tan la mid ahayd oo la hakiyey.

NASA ayaa qorsheyneysa dusha sare ee dayaxa iney bani aadam u dirto, isku daygaasi oo noqonayaa kii ugu horreeyey oo dhaca tani iyo 1972-kii.

Mashruucan dayax gacmeedka dunida ugu weyn hawada sare loogu dirayo wuxuu qayb ka yahay mashruuca NASA ay waddoo uu sanadkii 2017-kii uu billaabay maamulkii Trump.

Tijaabada matoorka dayax-gacmeedka ayaa lagu sameeyey matoorrada oo dhulka yaalla. Waxaana dayax gacmeedka ku xiran 4 matoor oo awood badan uu noocooduna yahay RS-25.

Matoorradan awoodda badan ee RS-25 oo ay sameysay shirkadda Aerojet Rocketdyne uu fadhigeedu yahay California.

 

Kooxda dayax gacmeedka sameysay ee NASA ka socotay iyo shirkadda Boeing oo sameynta dayax gacmeedka qandaraaska lagu siiyey si ay macluumaadki matoorka ay uga baahnaayeen ay u helaan wuxuu matoorka u daarnaa oo keli ah 4 daqiiqo.

Guddoomiyaha guddiga joogtada ee Sayniska, Hawada sare iyo Teknooliyadda aqalka hoose ayaa farriin hambalyo ah oo ku aaddan tijaabada lagu guuleystay u diray hay’adda NASA.

Qiiq hawada isku shareeray oo ka baxaya afarta matoor ee xaruunta NASA lagu tijaabiyey
Qiiq hawada isku shareeray oo ka baxaya afarta matoor ee xaruunta NASA lagu tijaabiyey

Eddie Bernice Johnson oo xisbiga dimuqraadiga ku matasha gobolka Texas waxay sheegtay, “Howshan dhaxal galka ah ee lagu guuleystay ay muujineyso geesinimada iyo dadaalka loo galay.”

Waxayna intaa ku dartay: “Tijaabada maanta la sameeyey ay dhowr tallaabbo noo sii dhaweyneyso inuu Mareykanka uu ku soo laabto hoggaaminta dunuda ee cilmiga hawada sare oo dayaxa lagu tagay iyo inaan iisu diyaarinno sidi aan meeraha Mars uga dajin laheen Bani aadam (qof nool).

Matoorradii 1960-kii loo isticmaalay dayax gacmeedkii Apollo waxay suuragaliyeen in lagu guuleysto in dayaxa laga dago.

Matoorka oo daaran

Injiineerada Khamiisti tijaabada sameeyey waxay sheegeen iney matoorrada ka buuxiyeen tamar quwadda matoorrada soo saarta oo u dhiganta 2.6 malyan oo Litir.

Waxyaabaha tamarta dayax gacmeedka loo adeegsadayna waxay sheegeen isugu jiraan maaddada Hydrogen oo dareera ah, gaaska gantaalka xambaara dayax-gacmeedka uu isticmaalo iyo Oxygen dareera ah oo shidaalka ka caawinayo inuu gubto.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this