Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo War cusub ka soo saartay talaalka AstraZeneca

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo War cusub ka soo saartay talaalka AstraZeneca

 astra-1-300x168.jpg

Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo beryahan baadhis ku heysay tallaalka AstraZeneca ee loogu talo galay COVID-19 ayaa baadhisteeda soo gabagabeysay.

Wakaaladdu waxay sheegtay in AstraZeneca uu yahay mid leysku halleyn karo waxtarna leh, aysana waxba ka jirin wararkii maalmahan soo baxayey ee sheegayey in talaalkan uu leeyahay waxyeelo.

Tallaalkan ayaa dhowaan la keenay Somaliland &  Soomaaliya waxaana jirtay cabsi ay dadku ka qabeen, maadaama dalal badan oo Yurub ku yaalla ay isticmaalkiisa hakiyeen.

Talaalkan Oxford-AstraZeneca waxaa si wadajir ah iskaga kaashadey inay soo saaraan Jaamacadda Oxford iyo shirkada daawooyinka Astrazeneca. Wuxuuna marey dhamaan tijaabooyinkii looga bahnaa in talaal la marsiiyo si loo isticmaalo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this