Deeq A. Posted March 19, 2021 Dowladda Russia ayaa u yeeratay safiirkeedi Mareykanka Anatoly Antonov, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu hoggaamiyaha Russia Vladmir Puttin ku tilmaamay inuu yahay dilaa. Sarakiisha Washington ayaa si deggan uga jawaabaya in Moscow ay si wada tashi ah ugu yeeratay safiirkeedii, waxaana xiriirka sii xumaanaya ee labada dhinac ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rusia sheegtay inay raadineyso qaab lagu saxo. “Waxaan xiiseyneynaa inaan ka hortagno inuu dhaco khalad aan dib loo sixi karin haddii Mareykanku ogyahay halista ku gadaaman inuu xumaado xiriirka labada dhinac” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Russia. Ku dhawaaqista Moscow ee u yeerashada safiirkooda ayaa timid wax yar kaddib markii TV-ga ABC uu soo daayay wareysi uu la yeeshay madaxweyne Biden, kaas oo uu ku sheegay in madaxweynaha Russia uu cawaaqib xumo kala kulmi doono haddii aanu joogin falal uu ku sheegay inay yihiin kuwa xun, ayna ka mid yihiin faragalinta doorashooyiska Mareykanka. PUNTLAND POST The post Ruushka oo dib ugu yeertay safiirka u fadhiya Maraykanka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites