Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ICJ Oo Maanta Dhageysan Doonta Gunaanadka Dacwadda Badda Ee U Dhaxeysa Kenya Iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Hague)-Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa maanta dhageysan doonta gunaanadka dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay Maxkamaddu dhageysatay dooddii ergadii mataleysay Soomaaliya.

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegtay in maanta Maxkamadda ay dhageysan doonto gunaanadka dacwadda badda, kaddib markii ay go’aankaas qaadatay maxkamadda,

Kenya ayaa sababaha ay uga baaqatay dhageysiga dacwadda Badda ku sheegtay cudurka safmarka ee Covid-19, waxaana maxkamadda ay dhagaha ka fureysatay dalab Kenya ku dooneysay in la baajiyo dhageysiga dacwadda.

Dacwadda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya oo soo jiitamayay illaa 10-kii sanno ee la soo dhaafay ayaa Maxkamadda la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka soo saarto, waxaana la filayaa in go’aankaas uu dhaco ugu yaraan 3 illaa lix bil kaddib.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this