Deeq A. Posted March 18, 2021 Magaladda Muqdisho waxaa maanta ka furmay wajigii 2-aad ee shirkii wada-tashiga doorashooyinka ee heer wasiir, waxaana shirka yeelanaya guddigii horay loo magacaabay, kuwaasi oo kala metalya maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Shirkan maanta furmay kii ka horreeyey ayaa horay uga dhacay Baydhabo, iyadoona shirkaasi lagu gaaray go’aamo masiiri ah. Dhanka kelana wasiirada arrimaha gudaha Puntland iyo madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in labada maamul aanay qeyb ka eheyn shirkaasi. Shirkan ayaa wuxuu hordhac u yahay shirka madaxda federaalka, madaxda dowlad goboleedyadda iyo gobalka Banaadir oo la filayo in dhawaan uu ka furmo Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites