Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi farsamo oo shir looga hadlayo khilaafka doorashada uga furmayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
2-15.jpg?resize=750%2C430&ssl=1Shirkii Baydhabo ee guddiga farsamada

Sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, waxaa maanta hotelka Decala ee garoonka Aadan cadde magaalada Muqdisho ka furmaya wajigii 2aad ee shirkii guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa la sheegay in uu hordhac u yahay shirka la filayo in ay dhawaan magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxda federaalka, dowlad goboleedyadda iyo gobalka Banaadir, kaas oo looga tashanayo arrimaha doorashooyinka ee khilaafku ka taagan yahay.

Guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka kooban 14 xubnood ayaa bishii Febraayo wajigii 1aad ee shirkan ku yeeshay magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadlay xubnaha guddiga doorashooyinka, xal u helidda guddiga doorashooyinka kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, qoondada haweenka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada.

Waxaana markii uu dhamaaday shrikaasi war ay soo saareen guddigu ku sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan qoddobadii khilaafku ka taagnaa, iyagoo intaas ku daray in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan.

Balse madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa qodobadaas saxiixin, iyadoo welina uu taagan yahay khilaaf adag.

PUNTLAND POST

The post Guddi farsamo oo shir looga hadlayo khilaafka doorashada uga furmayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this