Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo la kulmay mid ka mid ah musharraxiinta + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay  Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ay ka wada hadleen sidii doorasho nabdoon oo daah furan dalka uga dhici lahayd.

Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay  soo dhaweynta loo sameeya, isagoo faahfaahiyay arrimihii ay isla soo qaadeen.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaan ka wada hadalnay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, doorasho loo wada dhanyahay, in laga wada shaqeeyo dhamaan dadka ay quseyso saamileyda guud, in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoonyahay, Soomaalida oo dhan meelkasta oo ay joogaan ay qeyb ka yihiin, waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta iyo qaabilaaddii maanta.” Ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle.

97aa58ae-450e-4670-af97-e2b47804d392.jpg haa.jpg

Capture-1.png Jibriil.png Roole.png shirka.png

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this