Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo war cusub kasoo saartay shirka arrimaha doorashooyinka ee Afisyooni

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrimaha doorashooyinka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Swan ayaa shaaca ka qaaday in shirkan ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, islamarkaana ay bixineyso taageerada dhaqaalaha ah ee ku aadan fududeynta shirkaasi.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarinayaan Teendhada Afisyooni oo ku taalla xerada Xalane, islamarkaana uu ka dhacayo shirka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ammaanka goobta uu yahay mid la’isku haleyn karo, islamarkaana ay sugayaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

“Waxaan xusayaa inaan dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo ergooyinka maamul goboleedyada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida,” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimahaSoomaaliya.

Amb. Swan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dadaallada socda ay muhiim u yihiin hannaanka doorashooyinka oo uu tilmaamay inay laf dhabar u yihiin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii haya, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho laga dareemayey dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeeda, kuwaas oo looga arrinsanayo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this