Deeq A. Posted March 18, 2021 Qalab ballaaran oo loogu tala-galay dhismaha wejiga saddexaad ee dekedda, ayaa saaka oo Khamiis ah gaaray magaalada Garacad ee Gobolka Mudug. Qalabkan cusub ayaa ka kooban gaadiidka waaweyn ee dhagxaanta qaada, Cagafyada dhagxaanta jebiya, Haamaha waawen ee shimitada lagu qaso iyo daawooyinka shubka lagu qallajiyo. Guddiga gacanta ku haya dhismaha dekedda, ayaa sheegay in uu heer geba-gabo ah marayo dhismaha, islamarkaana si dhakhso ah loo dhammaystiri doono wejiga saddexaad. Dhismaha dekedda Garacad oo ku socda qaab isku-tashi bulsho ah, waxaa maal-gelinaya Ganacsatada Reer Puntland, gaar ahaanna Gobolka Mudug, oo kaashanaya shacabka iyo dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Qalab ballaaran oo la gaarsiiyay dekedda Garacad appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites