Deeq A. Posted March 18, 2021 Madaxweynihii waddanka Tanzania John Magufuli ayaa xalay geeriyooday, sida ay xaqiijisay Samia Suluhu Hassan oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas. Waxay sheegtay Samia Suluhu in madaxweyne Magufuli uu k u geeriyooday Isbitaal ku yaal Dar es Salaam oo uu ku jiray ilaa 6-dii bishan March. Sadexdii todobaad ee la soo dhaafay Magufuli muuqaalkiisa lama arag, iyadoo ay jirtay hadal heynta ah inuu geeriyooday. Wuxuu Magufuli ahaa 61-jir, sababta geeridiisana si cad looma sheegin. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii Tanzania John Magufuli oo geeriyooday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites