Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal oo war kasoo saaray geerida geerida Malaaq Xasan Shurre

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Ummadda Reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha u naxariistee Malaaq Xasan Shurre Maxamuud.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay in Malaaqa uu ahaa hurmuud dhaqan, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi raajicuun Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo, malaaqa waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Guddoomiye Maxamd Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Reer Koonfur Galbeed ee uu ka geeriyooday.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this