Deeq A. Posted March 17, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday gogosha tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Mahdi Maxamed, oo dhawaan aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho. Rooble ayaa markii uu booqday waxa uu saxiixay buugga tacsida, wuxuuna la kulmay qoyska iyo qaraabada marxuumka, guddigii tacsida iyo odayaasha dhaqanka ee ka shaqeynayay tacsida marxuum Cali Mahdi Maxamed. “Waxaan Soomaali oo dhan, qoyskii iyo eheladiisa uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble. “Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, aan ducada u badinno in uu ilaahey naxariistii janno geeyo” ayuu sidoo kale yiri Rooble oo hadal kooban ka jeediyay goobta. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay guddiyadii Aaska Qaran, Qoyska iyo duubabka dhaqanka ee sida wanaagsan uga shaqeeyay aaska madaxweynihii hore Allaha u naxariistee, marxuum Cali Mahdi Maxamed. Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta uu shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ka codsaday inay u duceeyaan marxuumka Allaha u naxariistee. Share this post Link to post Share on other sites