Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka xoogga oo FARMAAJO dartiis loo kala qeybinayo iyo boob doorasho oo la tuhunsan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka dhawaajiyay in la wado kala qeybin dhanka ciidamada xoogga dalka ah si loo ogaado sidey ugu kala daacadsan yahiin madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka uu soo dhigay Mr. Warasme ayaa ku qotoma in la wado qaab lagu kala xulayo ciidamada daacadda u ah FARMAAJO iyo kuwa dabacsan, iyadoo ay jiraan qorsheyaal laga damacsan yahay.

Wuxuu sheegay in qorshahaan ay udub dhexaad u yahiin taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidanka lugta Janaraal biixi.

“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan” ayuu Facebook kusoo qoray C/raxmaan C/shakuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka”

Waxyaabaha uu sheegay iney qorsheynayaan oo ah boobka doorashada oo aan wali laga heshiin, waxaa ku lamaanan weeraro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka ah iyadoo la ogyahay in 19-kii February weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed.

Wuxuu talo usoo jeediyay taliska ciidanka xoogga dalka isagoo leh:”Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo”

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sugan yahay xarunta Villa Soomaaliya wax ka badan hal bil isagoo muddo xileedkiisa dhamaaday, walina aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka oo ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this