Sign in to follow this  
Deeq A.

Farriin Safiirka Cusub ee Biritayn Ku Qortay Twitter oo Muran Dhalisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Wararka PP) — Farriin Twitter ah oo ku saabsan kulan dhexmaray Safiirka Cusub ee Biritayn Kate Foster iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa muran abuurtay.“Waxaannu ka wada hadalnay arrimmo muhiim u ah UK iyo Hirshabeelle” ayay Kate Foster ku xustay farriinta ku saabsan kulanka.

Kate_Foster-1.jpg?resize=465%2C310&ssl=1Safiir Kate Foster farriinteedu waa mid baalmarsan anshaxa diblomaasiyadda

Dad badan waxa ay isweyddiiyeen sida Safiirka ereyada u dooratay. “Gef erey doorasho ah ayaa ka muuqda farriinta safiirka. Biritayn waa dal. Soomaaliya uun bay arrimmaha labada dal kala hadli kartaa” buu yiri Daahir Cismaan, oo ahaa diblomaasi Soomaaliyeed.

IMG-20210317-WA0001.jpg?resize=1000%2C56

Dalka Biritayn wuxuu kaalin horseed ah ku lahaa gabogabayntii xilligii kumeelgaarka. Safiirkii hore ee Biritayn Ben Fender ayaa xubno ka tirsan xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya u sheegay 2018kii in “Brexit ay aad u saameysay kaalinta Biritayn.” Midowga Yurub ayaa hadda maalgelinta ugu badan dhanka dib u habaynta kaabayaasha siiya Soomaaliya.

20210317_114328.jpg?resize=674%2C923&ssl

“Farriinta Safiirka Biritayn waxay la mid tahay farriintii Gavin Williamson oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga Biritayn uu 2019kii ku sheegay “inuu wadahadal dhexmaray dalalka Biritayn iyo Somaliland” mar uu booqanayay Hargeysa. Dhowr daqiiqadood kaddib ayuu tirtiray farriinta.

© Puntland Post, 2021

The post Farriin Safiirka Cusub ee Biritayn Ku Qortay Twitter oo Muran Dhalisay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this