Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Fara-geliyay Doorashadii Mareykanka Ee 2020-kii

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Warbixin uu salaasadii shalay shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa lagu sheegay, in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u badan tahay inuu si toos ah u amray, isku day lagu fara-geliyay doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee sannadki 2020-kii.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Ruushka uu sameeyay isku day ah inuu fara-geliyo hannaankii doorashadi lasoo dhaafay, si uu ugu guuleysto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, laakin sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay, in ugu dambeynti ayna dhicin saameyn wax ka baddashay natiijadi kasoo baxday doorashadi Mareykanka ka dhacday bishii November ee sannadki 2020-kii.

Warbixinta oo ka koobneyd 15 bog isla markaana kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Iran ay isku dayday inay wiiqdo kalsoonida shacabka Mareykanka ee nidaamka codbixinta si ay u dhaawacdo in Trump mar kale uu kusoo baxo doorashadi Mareykanka ee sannadki hore.

Washington ayaa lagu wadaa inay toddobaadka danbe cuna-qabateyn kusoo rogto Moscow, sababo la xidhiidha fara-gelintani la sheegay inay ku sameeysay doorashadi madaxtinimada ee Mareykanka ee sannadki 2020-kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this